Sidee Sonkortu u saameysaa doorashada ugu weyn dunida?

beeraleeyda Sonkorta ee dalka Hindiya ayaa lagu qiyaasa in kabadan 30 malyan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, beeraleeyda Sonkorta ee dalka Hindiya ayaa lagu qiyaasa in kabadan 30 malyan

Ra'isal wasaaraha hindiiya ayaa mar dhaw waxaa uu kulan olole doorasho ah ku qabtay qobolka waqooyiga dalkaasi ku yaala ee Uttar Pradesh, hase ahaate waxaa lagu qasabay in uu galo balan ku saabsan sonkorta taas oo ah kamid wax soo saarka ugu muhiimsan dalkaasi.

Beeraleeyda sonkorta ee gobolkan codadka badan ee u maamulo xisbiga mr Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa aad u careysanaa sababtoo ah in lacagaha aan lagu bixinin xiligoodi.

Waxay dhigeen dibedbaxyo wadooyiinka lagu xiray,'' waan ogsanahay in lacagta sonkorta ay idinka maqantahay. Waxaan xaqiijin doona in shilin walbo oo aad leedihiin la bixin doono,'' Mr Modi ayaa sidaas u sheegay dadkii isugu soo baxay fagaaraha.

Sonkortu waa ganacsi halis ah oo ka jira Hindiya. Qiyaastii 525 geed ayaa soo saartay in ka badan 30 milyan oo tan oo sonkor ah xilligii burburkii ka danbeeyay, kaasoo socday muddadii u dhaxaysay Oktoobar ilaa Abriil. Tani waxay ka dhigeysaa wax soo saaraha adduunka ugu weyn, iyadoo booska kala baxaysa Brazil . Qaybo badan ayaa waxaa maamula dad wadaag ah oo ay beeraleydu ku leeyihiin saamiyo dhulka ay haystaan iyo hadba waxsoosaarkoodu inta uu leegyahay.

Hindiya ayaa ah dalka ugu weyn dunida ee sonkorta soo saara

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hindiya ayaa ah dalka ugu weyn dunida ee sonkorta soo saara

Beeraleeyda sonkorta ayaa lagu qiyaasay 50 malyan, dhulka ay wax ku tabcadaan ayaa ah mid yar oo ciriiri ah halka malaayiin kalena ay ka shaqeeyaan warsahdaha sonkorta soo saara.

Beeraleeyda sonkorta ayaa u muuqda dad codad badan haya marka la fiiriiyo siyaasadda hindiya.

beeraleeyda sonkorta ayaa dibedbaxyo dhigay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, beeraleeyda sonkorta ayaa dibedbaxyo dhigay

Uttar Pradesh and Maharashtra, labadan dobol aya amarkii la isku daro waxay soo saaran boqolkiina lixdan sonkorta laga isticmaalo dalkaasi waxaana aqalka barlamaakna dalkaasi ku matalo 128 xilibhaan. Qiimaha sonkorta ayaa sare u qaadi karto tirada kuraasta ee xisbi walbo u heli karo taas oo lagu tilmaamay ilaa 150 kuraas oo ka kooban 545 kuraas ee barlamaan.

Wax soo saarka sida ugu macquulsan loo siyaasadeyn kara dunida ayaa ah sonkorta, waxaa sidaasi yiri Shekhar Gaikwad oo ah gudoomiyaha sonkorta ee gobolka Maharashtra.

Siyaassada sonkorta ayaa ah mid kaalin weyn ugu jirta doorashada hadda socoto ee dalka hindiya. Beeraleyda gobolka uttar Pradesh ku nool ayaa inta badan codkooda kula gorgortamo sonkorta ay soo saaran waayo waxay ku tiirsantahay noolashooda. Siyaasiinta qaar ee gobolkaasi ee kasoo horjeedsado moqifka beeraleeyda ayaa ah kuwa aan mardambe fursad u heli doonin inay jago ka qabtaan dalka ama gobolka.

Dalka Hindiya waxaa looga dhawaaqay in bisha April ay ka dhacayso doorasho guud, Doorashadan waxaa ka qeyb qaadanaya dadkii ugu badnaa adduunka ee doorasha ka qeybgala, illaa 900 milyan oo qof ayaa codkooda dhiibanaya , iyaga oo tagaya illaa hal milyan oo goobaha codka lagu dhiibto.

Waxa ay tirada codbixiyeyaasha ka badantahay dadka ku nool qaaradda Yurub iyo Australia oo laisku daray.

Wax ka badan 8,250 musharax oo matalaya 464 xisbiayaa ka qeybgalay doorashadii 2014-kii.

Si kastaba arrinta xusida mudan ayaa ah Gobolka Uttar Pradesh oo ah gobolka sonkorta badan so saara ayaa ah sidoo kale kan hardanka ugu badan uu ka jiro, sababtuna waxa ay tahay in xildhibaanada ugu badan laga soo doorto.

Illaa 80 xildhibaan ayaa gobolkan laga doortaa , waxaana ku nool qof ka mid ah lixdii qof ee reer Hindiya ah.

Xisbiga BJP ayaa gobolkan ka heley heley 71 kursi, waxayna taas ku dhacday isbahaysi adag oo xisbiyada ka dhex dhashay.

Balse hadda waxaa BJP u midoobay labo xisbi oo saamayn badan ku leh gobolkan.