Cagjar oo 10 milyan oo birr ku deeqay barakacayaasha deegaanka Amxaarada

Xigashada Sawirka, EBC
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr ($340,000 oo doolar)siiyey barakacayaasha deegaanka Amxaarada iyada oo barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida ay wax taageera ah weli ka helin dhanka xukumaddiisa iyo dowladda dhexe midna.
Waxaa magaalada Addis Ababa xalay lagu qabtay bandhig lacago dib u dajin looga sameeyo barakacayaasha deegaanka Amxaarada.
Waxaana bandhiggaasi soo qaban qaabiyey Ururka Horumarinta Amxaarada iyo Xukumadda Deegaanka Amxaarada oo kaashanayo dowladda dhexe.
Haddaba madaxweyne Cagjar oo ka mid ahaa madaxdi bandhigga lacag uruurinta ka soo qayb gashay ayaa ku dhawaaqay "isaga oo matalayo shacabka iyo maamulka deegaanka Soomaalida ay walaalahooda Amxaarada ee barakacay ay ku deeqayaan 10 milyan oo Birr".

Xigashada Sawirka, .
Su'aasha la isweydiin kara ee ka dhalatay deeqdaasi lacageed uu madaxweynaha bixiyey ayaa waxay tahay barkacayaasha Soomaalida ee ku sugan Qoloji, Siti iyo Tulli guuleed oo muddo ku sugan xerooyin barakacayaal oo ku meel gaar ah yaa u maqan?
Baraha bulshadana waxay noqotay mid maanta si weyn looga hadal hayo tillaabbada madaxweynaha uu qaaday.










