Qeylo dhaan lagasoo saaray khilaafka cirka isku shareeray ee Kenya iyo Soomaaliya

Musalia Mudafadi ayaa qeylo dhaan u diray beesha caalamka

Xigashada Sawirka, Daily Nation

Qoraalka sawirka, Musalia Mudafadi ayaa qeylo dhaan u diray beesha caalamka

Hoggaamiye ka tirsan Mucaaradka dalka Kenya ayaa qeylo dhaan u diray dunida, si wax looga qabto khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Kenya iyo Soomaaliya.

Musalia Mudafadi oo ah hoggaamiyaha xisbiga Amaani ee dalka Kenya, kana mid ah xisbiyada mucaaradka, ayaa qeylo dhaan u diray beesha caalamka, isagoo ka codsaday in si deg deg ah loo soo fara galiyo khilaafka sii xoogeysanaya ee dhinaca badda, ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si aysan xaaladdu faraha uga sii bixin.

Khilaafkan dublomaasiyadeed ayaa mar kale cirka isku shareeray ka dib markii galinkii dambe ee Sabtida ay dowladda Kenya u yeertay safiirkeeda Soomaaliya isla markaana safiirka Soomaaliya u fadhiyay Nairobi ku amartay inuu dalkiisa ku laabto.

Kenya ayaa go'aankeeda ugu dambeeyay u sababeysay caro ay sheegtay iney ka qaadday tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku beecineyso shidaal ku jira dhul badeed ay Kenya leedahay.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya fadhiyay Maxamuud Axmed Tarsan ayaa maanta ka dagay ka dagay Muqdisho, halka magaalada Nairobina uu gaaray safiirkii Kenya u fadhiyay Soomaaliya Lucas Tumbo.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah war uga soo saarin jawaabta ay siineyso Kenya, waxaase lagu soo warramayaa in shirar is daba joog ah oo arrintan ku saabsan ay ka socdaan magaalo madaxda Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada.