Haweenay 12 sano kadib la kulantay ninkii lahaa shahwadii ay caruurta ku dhashay

Jessica, Aaron, Alice, Madi, Bryce

Markii Jessica ay shahwada ragga kasoo iibsanaysay bangiga shahwada lagu kaydiyo si ay ubad u hesho, marna kuma aanay riyoon inay la kulmi doonto ninkii shahwadaas lahaa oo kadibna ayba jeclaan doonto.

Jessica ayaa gabadh ay saaxiib ahaayeen kala tashatay sidii ay ubad u heli lahayd, gabadhaas oo u sheegtay in ay barayso wiil ay walaalo yihiin.

Hase ahaatee Jessica ma aanay doonayn in ay ilmo u dhasho qof ay garanayso oo hadhow laga yaabo in uu ilmaha ka qaato.

Waxay go'aan ku gaartay in ay tagto bangiga lagu iibiyo biyaha ragga, ayadoo waydiisatay in la siiyo Shahwo uu ku deeqay qof aysan isgaranayn, si aanan hadhow loogu qabsan ilmahaas.

Intaas kadib, shahwadii ragga ayaa lagu tallaalay Mrs Jessica, ayadoo markii dambe dhashay laba caruur ah.

12 sano kadib, Mrs Jessica waxay isbarteen nin lagu magacaabo Aaron, oo ay aad uga heshay.

Kadib muddo dheer oo ay sheeko wadaag ahaayeen, waxay go'aansadeen in ay isguursadaan.

Guurkoodii kadib ayaa Mrs Jessica waxay aragtay in saygeeda cusub iyo wiilkeedu ay aad isugu egyihiin, gabadheedana ay xagga dhaqanka iska shabbahaan.

Dareen iyo shaki badan kadib waxaa lagama maarmaan noqotay in arrinta ay la socodsiiso saygeeda, si bal ay u ogaato in ninkeeda cusub uuba caruurta dhalay iyo inkale.

Ugu dambayntii waxay go'aan ku gaaren in ay soo baaraan dhacaanka hidde sidaha ee DNA-da loo yaqaan, baadhitaan dheer kadib waxaa lagu ogaaday in ninkani uu yahayba aabbaha dhalay labada ilmood ee ay haysato.

Qoyskaan ku midoobay sida lama filaanka ah ayaa waxay sheegeen in waxa ugu wayn ee caawiyey uu ahaa dhacaanka hidde sidaha loo yaqaan ee DNA-da kaas oo ay sheegeen in uu haatan ka muhiim san yahay sidii hore.

Alice, Madi, Bryce