Sawiro: Shacabka Itoobiya oo u durbaan tumaya midnimo

Dad badan oo u dabaaldagaya islamarkaana u durbaan tumaya kala duwanaashiyaha qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay dhaqamadooda.

Itoobiya waxaa ku nool 100 milyan oo qof oo ka soo kala jeeda qowmiyado kala duwan islamarkana leh dhaqamo kala gadisan.

Dabaaldagani oo lagu magacaabo maalinta qaranka iyo qoomiyadaha ayaa looga gol leeyahay in lagu bidhaamiyo dhaqamada in ka badan 80 qowmiyadood oo dalkaasi Itoobiya ku nool.

Kooxo ka kala yimid guud ahaan dalka Itoobiya ayaa isugu yimid garoon ku yaalla caasimadda, Addis Ababa, iyaga oo xiran dhar dhaqameed islamarkana tumaya qalab dhaqameedkooda dhanka ciyaaraha.

Qaar ka mid ah sawirada dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Xiisadda u dhaxeysay qowmiyado kala duwan ayaa sii kordhaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay taasi oo dhimasho iyo barakac sababtay.

Balse markii ay qowmiyadahani kala duwan ay dhaqankooda soo bandhigayeen ma muuqan arintaasi.

Qowmiyadda Oramada ayaa ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya .

Rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Oramada ,waxa uuna isku dayayaa in uu muujiyo midnimada Itoobiya tan iyo intii uu xilak qabtay bishii April.