Sawiro: Shacabka Itoobiya oo u durbaan tumaya midnimo

Haween durbaa tumaya
Qoraalka sawirka, Haween durbaa tumaya

Dad badan oo u dabaaldagaya islamarkaana u durbaan tumaya kala duwanaashiyaha qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay dhaqamadooda.

Itoobiya waxaa ku nool 100 milyan oo qof oo ka soo kala jeeda qowmiyado kala duwan islamarkana leh dhaqamo kala gadisan.

Dabaaldagani oo lagu magacaabo maalinta qaranka iyo qoomiyadaha ayaa looga gol leeyahay in lagu bidhaamiyo dhaqamada in ka badan 80 qowmiyadood oo dalkaasi Itoobiya ku nool.

Kooxo ka kala yimid guud ahaan dalka Itoobiya ayaa isugu yimid garoon ku yaalla caasimadda, Addis Ababa, iyaga oo xiran dhar dhaqameed islamarkana tumaya qalab dhaqameedkooda dhanka ciyaaraha.

Qaar ka mid ah sawirada dhaqamada kala duwan ee qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Nin afuufaya gees
Qoraalka sawirka, Ninkani waxaa uu qayb ka ahaa kooxda dhaqanka ee ka socotay qowmiyadda Tigray waxa uu soo bandhigay gees sida trumbada loo afuufo
Dad ciyaaraya
Qoraalka sawirka, Haweena ka so jeeda qoomiyada Trigrinya oo xiran dhar dhaqameed loo yaqaano "tilfi" waxa ayna so bandhigeen ciyaar dhaqameed
Rag iyaga oo sita ulo ciyaaraya
Qoraalka sawirka, Waa koox ka socotay qoomiyada Canfar waxa ay sitaan warmo lagu magacaabo "dile"
Rag dhuulacadaynaya
Qoraalka sawirka, Dhalinyarada waxa ay ka so jeedaa qowmiyada Canfarta ,waxa ayna soo bandhigeen sida timaha ay u daystaan oo ah mid caan ka ah gobolkooda

Xiisadda u dhaxeysay qowmiyado kala duwan ayaa sii kordhaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay taasi oo dhimasho iyo barakac sababtay.

Balse markii ay qowmiyadahani kala duwan ay dhaqankooda soo bandhigayeen ma muuqan arintaasi.

Haween ka soo jeeda qowmiyada Oramada oo xiran dharka dhaqanka qowmiyadooda
Qoraalka sawirka, Haween ka soo jeeda qowmiyada Oramada oo xiran dharka dhaqanka qowmiyadooda

Qowmiyadda Oramada ayaa ah kuwa ugu badan dalka Itoobiya .

Raggani waxa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Oramada waxa ayna ka yimaadaan bartamaha Oramiya oo ah goobaha caasimada ku gadaaman
Qoraalka sawirka, Raggani waxa ay ka soo jeedaan qowmiyadda Oramada waxa ayna ka yimaadaan bartamaha Oramiya oo ah goobaha caasimada ku gadaaman

Rai'sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Oramada ,waxa uuna isku dayayaa in uu muujiyo midnimada Itoobiya tan iyo intii uu xilak qabtay bishii April.

Waa hawweeneey ka so jeeda qowmiyada Gambella oo degga xadka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan
Qoraalka sawirka, Waa hawweeneey ka so jeeda qowmiyada Gambella oo degga xadka Itoobiya iyo Koonfurta Sudan
Waa ciyaar dhaqameed ay soo bandhigeen qowmiyadaha la isku yiraahdo shucuubta koonfureed
Qoraalka sawirka, Waa ciyaar dhaqameed ay soo bandhigeen qowmiyadaha la isku yiraahdo shucuubta koonfureed
Waa haween ka soo jeeda gobolka Soomaalida oo soo bandhigay ciyaar dhaqameedka aySoomaalida caanka ku yihiin ee (Dhaantada)
Qoraalka sawirka, Waa haween ka soo jeeda gobolka Soomaalida oo soo bandhigay ciyaar dhaqameedka aySoomaalida caanka ku yihiin ee (Dhaantada)
Dhalinyaro ka soo jeeda Qowmiyada Soomaalida oo ciyaaraya
Qoraalka sawirka, Dhalinyaro ka soo jeeda Qowmiyada Soomaalida oo ciyaaraya
Waa haween ka so jeeda qowmiyada Agew ee gobolka Amxaarada
Qoraalka sawirka, Waa haween ka so jeeda qowmiyada Agew ee gobolka Amxaarada