Maxkamad ku taalla Hindiya oo cafis u fidisay nin lagu eedeeyey inuu dilay xaaskiisa

Xigashada Sawirka, SONU MEHTA/ HINDUSTAN TIMES
Maxkamad uu fadhigeedu yahay caasimadda dalka Hindiya ee Delhi ayaa fasaxday wariye caan ah oo soo tabin jiray musalsalka dambiyada Telefishinka, kaasoo xukun loogu riday inuu dilay xaaskiisa sannadkii 2000.
Garsooraha maxkamadda sare ayaa sheegay in caddeyn ku filan loo waayay dambiga loo heystay Suhaib Ilyasi, oo mar uu magaciisa ugu sarreeyay dadka loogu doon doonista badanyahay dalka Hindiya, waxaana lagu eedeynayay inuu toorri ku dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Anju Ilyasi.
Mr Ilyasi ayaa xabsiga la dhigay sannadkii 2017-kii, isagoo lagu xukumay xabsi daa'in, hase ahaatee waxa uu racfaan ka qaatay go'aankaas.
Wuxuu ku dooday in xaaskiisa ay iyadu is dishay. Qoyskeeda ayaase ku eedeeyay inuu jirdil ay u dhimato u geystay isagoo doonayay inuu ka qaato lacago yarad ah oo dheeraad ah.
Geerida Anju Ilyasi ayaa markii hore loo diiwaan galiyay iney tahay is-dilitaan, hase yeeshee hooyadeed oo arrintaas ka biyo diiday ayaa dalbatay in Mr Ilyasi la maxkamadeeyo.
Bishii Diseembar ee sannadkii la soo dhaafay ayey maxkamadda dacwaddiisa dhageysaneysay xabsi daa'in ku xukuntay 52 jirkan oo markaas ay maxkamaddu ku qanacday caddeymaha la xiriiray inuu xaaskiisa dilay.
In xilliga guurka yarad la bixiyo ayaa mamnuuc ka ahayd dalka Hindiya tan iyo sannadkii 1961-kii, balse arrintaas ayaa wali sii socotay, waxaana yaradka laga qaadanayay inta badan aroosyada la abaabulo.
Kumannaan haween ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa sannad walba loo dilaa muranka iyo qalalaasaha ka dhasha yaradka ama gabbaatiga dheeriga ah ee laga dalbado awgiis.










