Pelu: Duufaanta ku dhufatay jasiiradda Lombok waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof

Guriyaha ku burburay jasiiradda Donggala

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Guriyaha ku burburay jasiiradda Donggala

Duufaan ka dhalatay dhulgariir cabbirkiisu gaaraya 7.5 ayaa ku dhuftay magaala xeebeedka Pelu ee dalka Induniisiya.

Hirka badda oo ka dhashay dhulgariirka iyo duufaanta culus wada socday ayaa wuxuu ku socday joog dhan 2 miitir wuxuu ku dhuftay magaalada Palu oo ku taallo Jasiiradda Sulawesi.

Muuqaal laga soo duubay masiibadaasi oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa waxaa ka muuqata dadka goobta duufaanta ku dhufatay ku noolaa oo kala cararaya iyo biya xoog badan oo guriyaha soo galaya.

Mas'uuliyiinta gobolka ay duufaanta ku dhufatay ayaa waxay sheegeen iney ilaa iyo hadda ay xaqiijiyeen iney ugu yaran 30 qof halkaasi ku dhinteen.

Qoraalka Muuqaalka, Muuqaalkan wuxuu muujinayaa waxyeellada ay duufaantu geysatay

Bishi August 5-teeda dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Lombok ee Induniisiya waxaa ku dhintay dad ka badan 460 qof.

Dhulgariirka ku dhuftay bartamaha Sulawesi ayaa wuxuu saameeyey dhul dhan 10km.

Duufaanta Tsunami ee Pelu ku dhufatay oo horay digniin looga sii bixiyey, waxay ku dhacday saacada kaddib marki digniinta la shaaciyey.

Khariidad muujineyso halka dhulgariirku uu ku dhuftay
Qoraalka sawirka, Khariidad muujineyso halka dhulgariirku uu ku dhuftay

Madaxa saadaasha hawada ee Induniisiya Dwikorita Karnawati ayaa wuxuu sheegay iney hadda duufaantu noqotay.

"Duufaanta iyo Dhulgariirka mar ku wada dhuftay Pelu waxay shacabka magaaladu ku abuurtay degganaasho la'aan iyada oo dad tira badan oo waddooyinka yaacaya la arkayo".

2004-tii dhulgariir iyo duufaan tan la mid ah oo ku dhufatay jasiiradda Sumatra deegaannada ku gadaaman ee badda India waxaa ku dhintay 226,000 oo qof iyada oo 120,000 oo qof oo ka mid ah ay ku noolaayeen Induniisiya.

Dalka Induniisya ayaa wuxuu yahay dal u nugul duufaanta iyo dhulgariirka dhaca maadaamaa dalka oo dhan uu jasiirado tira badan oo bad ku hareereysan uu ka kooban yahay.

Guriyo ku burburay dhulgariirka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Guriyo ku burburay dhulgariirka