Xagjirka iyo qunyar-socodka caddaanka oo sameeyay banaanbaxyo lid isku ah

Xigashada Sawirka, EPA
Dad ka tirsan caddaanka xagjirka ah ee aaminsan sareynta caddaanka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Aqalka Cad, balse waxaa ka tiro batay dadka qunyar-socodka ah oo meel aan ka fogeyn ka sameeyay banaanbax ay kaga soo horjeedaan dhaqdhaqaaqa xagjirka.
Illaa 20 qof oo taageerayaasha xagjirka ah ayaa isugu soo baxay Washington, iyaga oo xusaya sanad kadib maalintii ay dhaceen rabshadihii magaalada Charlotteville, Virginia.
Balse boqolaal dad ah oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah xagjirnimadda caddaanka ayaa ka qeylo dhaaraaday kuwii kale.
Booliiska ayaa kala dhexgalay labada banaanbax si aysan xaaladda faraha uga bixin.
Illaa 400 qof ayaa laga filayay in ay isugu soo baxaan mudaaharaadta caddaanka xagjirka ah, balse tiro aad uga yar ayaa isugu soo baxday.
Wadadii ay marayeen ayaa waxaa hareerada taagnaa dad badan oo ku qeylinayay, kuna dhahayay erayo ay ka midyihiin "ceeb korkiina ha ahaato" iyo "Nooga baxa magaaladeena".
Sanadkii hore isu soo bixii ka dhacay Charlottesville ayaa ahaa kii ugu weynaa ebed ee caddaanka xagjirka ah ay isugu soo baxeen muddo dheer kadib.
Waxa uu ka dhashay kadib markii dowladda ay soo jeedisay qorshe ah in ay dumiso taallo nin jeneraal ahaa oo u ololeyn jiray in addoonsiga uu sharci noqdo xilligii dagaaladii sokeeye ee Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images










