Ganacsade tusaale u ahaa dhallinyarada oo lagu dilay Muqdisho

Maxamed wuxuu ahaa nin dhallinyar oo hal abuurka dhiirri galiya

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Maxamed wuxuu ahaa nin dhallinyar oo hal abuurka dhiirri galiya

Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin dhallinyar oo caan ku ahaa ganacsiga magaalada Muqdisho ayey maanta dabley aan haybtooda la garan ku dileen agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dhaawac daran ayaa ka soo gaaray weerarka, waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Sida uu ku soo warramay wariyaha BBC ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, Maxamed Wuxuu ka mid ahaa dadkii qurbaha ka soo laabtay, wuxuuna dalka ku soo noqday sannadkii 2011.

Maxamed oo wada barnaamijka lagu dhiirri galiyo dhallinyarada

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Maxamed oo wada barnaamijka lagu dhiirri galiyo dhallinyarada

2012 ayuu noqday qofkii ugu horreeyey ee dalka ka hirgaliya adeegga dhaqidda qallalan ee dharka ee af ingiriiska lagu yiraahdo dry cleaning, adeeggaas oo aan dalka ka jirin tan iyo wixii ka dambeeyey xilligii uu waddanku galay burburka.

Wuxuu kaloo soo kordhiyey barnaamij toos loo daawado, oo uu ku dhiirri galinayey dhallinyarada inay ku soo bandhigaan hal abuurkooda, si guulaha ay gaareen ay ula wadaagaan dhallinyarada kale, oo ay ugu noqdaan tusaale ay ku daydaan.

Maxamed iyo hooyadiis Sahra Maxamed Axmed

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Maxamed iyo hooyadiis Sahra Maxamed Axmed

Dilka Maxamed Maxamuud Sheekh Cali waxaa cambaareeyey ururrada bulshada rayidka.

Hooyada dhashay marxuumka, Sahra Maxamed Axmed, waxay ka mid tahay xubnaha u dhaqdhaqaaqa ururrada bulshada rayidka, waxayna ka tirsan tahay ururka SWDC.

Sidoo kale, waxaa aabbe u ah Jeneraal Maxamuud sheekh Cali oo ku magac dheer Dable Biloote.

Ma jirto cid loo qabtay dilka Maxamed Maxamuud Sheekh Cali. Dableydii dishay ayaa iyagana baxsaday.