Suxufi lagu dilay Muqdisho

Cabdirisaaq Qaasim wuxuu ahaa sawir qaade u shaqeeya TVga SBS

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Cabdirisaaq Qaasim wuxuu ahaa sawir qaade u shaqeeya TVga SBS

Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo ahaa sawir qaade ka tirsanaa TVga SBS ayaa sida la sheegay waxaa toogasho ku dilay magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidanka amniga ee dawladda Soomaaliya.

Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah guddoomiyaha suxufiyiinta xuquuqul insaanka, wuxuuna intaa ku diray in askarigii booliska ahaa ee falkaas ka dambeeyey uu cararay.

"Cabdirisaaq wuxuu saarnaa mooto bajaaj, wuxuuna sii galaayey beerta nabadda, markii askarigu uu joojiyey mootada. Wixii dhex maray ma naqaanno, laakin waxaa laga warhelay iyadoo uu askarigu laba xabadood madaxa kaga dhiftay" ayuu yiri Ismaaciil.

Wuxuu intaa ku daray in hay'adaha amaanka ay u xaqiijiyeen inay baadigoobayaan askariga dilka gaystay.

Allah u naxariistee Cabdirisaaq oo dhaawac daran qaba ayaa loola cararay isbitaal Madiina, laakinse naf kuma jirin markii isbitaalka la geeyey.

Waa saxafigii ugu horreeyey ee sannadkan gudihiisa lagu dilo Muqdisho.

Dabayaaqada bishii hore ayey ahayd markii Farxiyo Mire oo ah weriye ka tirsan Raadiyo Muqdisho lagu dhaawacay meel u dhow is goyska dabka ee Muqdisho.