'Wixii iiga baxay duulimaadkii aan Trump ku wehliyay'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wariyaha BBC-da Barbara Plett Usher ayaa ka mid ah wariyeyaashii madaxweyne Trump ku wehelinayay safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Singapore, waxay qoraalkan kaga hadlaysaa wixii ay la kulantay.
Waxaan arki karay farxadda iyo shucuurta uu leeyahay shirkii Singapore, waxaase sidoo kale muuqatay in madaxweyne Trump uu aad ugu daalay safarka dheer ee diyaaradda madaxweynaha ee Air Force One.
Wax kasta oo laga filan karay shirka, haddane waxaa xaqiiqo ahayd in lasoo gaaray waqtigii Trump, kaas oo aysan ciddina la wadaagin baalka uu taariikhda ka galayo.
Waxa uu gabi ahaanba markaliya dib u qorey taariikhda labada dal, isaga oo fagaaraha adduunka markale keenay dalkii muddada dheer go'doonka ahaa ee Kuuriyada Waqooyi.
Ka hor inta aysan diyaaradda duulin, ayuu Trump lasoo maray, wuxuu yiri "Ma garanayo in Kim uu yeeli doono in aan shir jaraa'id wada qabano".
Kadib waxaan soo galnay duulimaad 26 saacadood qaadan doona oo aan kusoo aadnay dalka Singapore. Markii aan soo degnay, safarkeena waxa uu noqday 23 saacadood iyo 7 daqiiqo.
Waligay kama fikirin in hoggaamiyaha dal kaligii talis ah uu warbaahinta xorta ah la hadli doono.
Sidaas oo ay tahay qalabkiisa warbaahinta ee borobagaandada u faafiya ayaa horeyba usii shaqo galay, waxayna xardhayeen sawir aanan waligeed horey loo arag oo ah sida uu Kim u yahay nin aad u weyn, gaarayna heer aysan dadka gaari karin.
Balse farqiga u dhaxeeya mala awaalka iyo xaqiiqada rasmiga ah waxa uu ka muuqday shirka markii la gaaray, gaar ahaan shirkii jaraa'id, iyada oo uu Trump xusay waxyaabaha uu ka damacsanyahay in ay shirka kasoo baxaan.
Waxa uu sheegay in uu doonayo in gabi ahaanba Kuuriyada Waqooyi ay dhigaan hubka Niyuukleerka, balse dad badan oo arrimaha u dhuun duleela ayaa sheegay in xaaladda aysan wali gaarin heer Kuuriyada Waqooyi ay hubka Niyuukleerka dhigto.
Trump ayaa ammaan ku dhoobay Kim, sheegayna in uu aaminsanyahay in uu samayn doono waxa wanaagsan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan dareemayaa in aan ahay qof adag, dareenkayga wuxuu ii sheegayaa in heshiis ay qaadan doonaan" ayuu yiri Trump.
"Noloshayda oo dhan waxaan kusoo dhamaystay in aan heshiis galo" ayuu yiri madaxweynaha oo sheegay in uu kala garanayo qofka heshiiska dhabta ka yahay iyo kan kale.
Waxyaabaha uu Trump miiska soo saaray, una soo bandhigay Kuuriyada Waqooyi ayuu kusoo gudbiyay qaab muuqaal ah, iyada oo shaashad weyn laga daaray barnaamij afar daqiiqo ah oo ay ka wada muuqdaan waxyaabaha Maraykanka uu la doonayo Kuuriyada Waqooyi haddii ay ogolaadaan in ay hubka Niyuukleerka dhigaan.

Xigashada Sawirka, EPA
Tani waxa ay ahayd luuqad uu fahmi karo Kim Jong-un, sababtoo ah waxa uu dhawaan ku dhawaaqay in uu samayn doono dib u habayn dhaqaale oo balaaran, isaga oo ka leexan doona dhabbaha dhismaha hubka iyo gantaalada oo muddo dheer lasoo waday.
Balse dad badan ayaa is weeydiinayay illaa heerka uu Kim diyaar u yahay in uu ka tanaasulo hubkiisa Niyuukleerka.
Khubarada intooda badan ayaa waxa ay sheegeen in Kim uu yahay kan heshiiska wanaagsan kala laabtay shirkii Singapore.
Balse go'aanka Trump ee ahaa in marka hore la hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadibna la galo hawsha Niyuukleerka ayaa lagu tilmaamay talaabo wanaagsan, halkii marka hore shuruud laga dhigi lahaa in marka hore Kuuriyada Waqooyi ay burburiso Niyuukleerka, waxaana soo dhaweeyay go'aankan agaasimihii hore ee sirdoonka James Clapper.
Markii aan diyaaradda kusoo laabanay, waxa ay shidaal kasii qaadatay jasiiradda uu Maraykanka maamulo ee Guam, halkaas oo uu mar Kim ku gooddiyay in uu gantaal ku dhufan doono.
Inkasta oo wariyeyaasha intooda badan ay seexdeen, madaxweynaha ma uusan seexanin, taleefoono ayuu dirayay, Twitter-ka ayuuna qoraalo soo dhigayay.










