Uganda oo canshuuraysa Quraanka iyo kitaabka masiixiyiinta

Uganda ayaa la sheegay inay canshuuraysa Kitaabka masixiiyiinta iyo Quranka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Uganda ayaa la sheegay inay canshuuraysa Kitaabka masixiiyiinta iyo Quranka.

Mas'uuliyiinta dalka Uganda ayaa amar ku siiyay hoggaamiyeyaasha diimaha inay bixiyaan canshuur marka la kala iibsanayo kitaabka Quraanka iyo kan Masiixiyiinta, sida ku xusan warbixin uu qoray wargayska Daily Monitor.

Doris Akol oo ah madaxa waaxda canshuuraha ee dalka Uganda waxay sheegtay bishii Abriil inaysan habbonayn in marka horeba aan canshuur laga qaadin kitaabaha lagala iibsanayo.

Arrintani ayaa imaanaysa billooyin un ka dib markii waaxda canshuuraha iyo hoggaamiyeyaasha diimaha dalkaasi ay ka wadahadleen.

Xoghayaha guud ee ururka imaamyada iyo muwaacidiinta, Ramadhan Mugalu ayaa u sheegay wargayska in dowladda ay gaartay meel aanan laga filaynin.

Wuxuu yiri " sidee u canshuuri karta hadalka Eebbe"

Waxaa sidoo kale go'aankaasi ka hor yimid oo aan ku faraxsanayn Joshua Kitakule oo ah xoghayaha guud ee golaha diimaha dalkaasi.

Wuxuu sheegay in kutubta aan loogu talo gelin in faa'iido laga sameeyo, balse ay khalad tahay in la canshuuro.

Mas;uuliyiinta diimaha dalka Uganda waxay sheegayaan in qiimaha lagu kala iibsado kitaabka masiixiyiinta uu sare ka kacay.