Dad gaaraya 80 qof oo lagu afduubtay Nigeria

Khariirad

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Khariirad

Wararka ka imanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in ugu yaraan 80 qof ay ka afduubteen rag hubaysan gobolka ku yaalla waqooyi galbeed ee Kaduna.

Saraakiisha urur ay ku bahoobeen gaadiidleeyda ayaa sheegay in dadkani la afduubtay xilli ay ku safrayeen wadada wayn ee isku xirta Waqooyiga iyo Koonfurta Nigeria.

Waxa ay intaa ku dareen in raggan hubaysan ay joojiyeen dhowr gaari islamarkana dadkii saarnaa ay u kaxeeysteen goob kayn ah oo u dhaw wadada ay afduubka ka gaysteen.

Gawaaridii ay saarnaayeen dadka la afduubay ayaa waxa ay afduubayaasha uga tageen waddada dhexdeeda.

Ilaa iyo imika booliiska Nigeria kama aysan hadlin dhacdadani afduubka.

Isniintii ,madaxa ciidamada Nigeria ayaa booqday aagaasi si sare loogu qaado ammaanka ka dib weeraro dhowr ah oo ay gaysteen burcad hubaysan.

Waxaa gobolkaasi Kaduna ka jiray muddooyiinkii ugu dambeeyay afduub iyo madax furasho ay dalbadaan kooxaha wax afduubta, balse dhacdadni ugu dambeysay ayaa ahayd mid lama filaan ah.

Rag hubaysan ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay 70 qof ku dilay tuulo ku taalla aagaasi.