Toban bilyan oo doolar oo loo yaboohayo iskuullada dalalka danyarta ah

Colaadaha ayaa malaayiin carruur ah ka carqaladeeyay iskuullada

Xigashada Sawirka, UNICEF

Qoraalka sawirka, Colaadaha ayaa malaayiin carruur ah ka carqaladeeyay iskuullada

Ra'iisulwasaarihii hore ee Britain Gordon Brown ayaa billaabaya qorshe uu ku aruurinayo 10 bilyan oo doolar si sare loogu qaado waxbarashada iskuullada ee dalalka ugu saboolsan adduunka.

Ra'iisulwasaarahan hore oo hadda ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada adduunka ayaa doonaya in deeqbixiyeyaashu ay taageeraan daymaha qiimaha hooseeya ee mashaariicda lagu fuliyo.

Ujeedda lacagtan loo aruurinayo ayaa ah in wax laga qabto 260 milyan oo carruur ah oo aan iskuullo dhiganin.

Brown ayaa Qaramada Midoobay ooga digay in wax ka qabasho la'aanta arrintaas ay keensan karto "saamayn baaxad wayn".

Gordon Brown

Xigashada Sawirka, Reuters

Qorshahan oo ay taageerayaan Qaramada Midoobay iyo Baanka Adduunka ayay ujeedadiisu tahay in lahelo 10 bilyan oo doolar oo deeq iyo dayn isugu jirta si dalalka danyarta ah ay ugu suuragasho in ay iskuullo dhistaan macallimiinna shaqaalaysiistaan.