Dowladda Iiraan oo cambaareysay magacaabidda John Bolton
Lahaanshaha sawirkaAFP/GETTY IMAGES

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Dowldda Iiraan ayaa cambaareysay magacaabidda uu madaxwayne Trump u magacaabay John Bolton la taliyihiisa dhanka ammaanka.
Madaxa golaha ilaalada kacaanka Iiraan (Abbas Ali Kadkhodai) ayaa ku tilmaamay Mr Bolton in uu yahay nin maalgaliya argagixisada sababtoo ah taageeradiisa kooxda ku kacsan dowladda Iiraan ee MEK.
Hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay magacabida John Bolton loo magacaabay la taliyaha dhanka ammaanka ee Mareykanka.
Bolton oo taageeray in la weeraro Kuuriyada Waqooyi iyo Iiraan ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in ay shaqadiisu noqon doonto in uu xaqiijiyo in madaxweynuhu uu helo "talooyin kala duwan oo dhamaystiran".
McMaster ayaa noqonaya qofkii u dambeeyay ee isaga oo darajo sare haya ka huleela Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.
Toddobaadkii hore Trump ayaa eryay wasiirkii arrimaha dibada ee Maraykanka Rex Tillerson isaga oo Twitter adeegsaday, wuxuuna ku badalay madaxii hore hay'adda dambibaarista Maraykanka ee CIA Mike Pompeo.
Magacaabidda Bolton ansixin ugama baahna aqalka Senetka ee Maraykanka, wuxuuna noqon doonaa qofkii saddexaad ee ammaanka qaranka kala taliya Trump muddo 14 billood ah. Wuxuu shaqada la wareegi doonaa 9 Abriil.










