Dadka daroogada qabatimay ee Iiraan oo batay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirada dadka la qabatima daroogada ee dalka Iiraan ayaa labajibbaarantay lixdii sano ee la soo dhaafay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Baaritaan ay sameeyeen koox daroogada la socota ayay ku ogaadee in 2.8 milyan oo ruux oo dalkaas ku sugan in ay si joogto ah u adeegsadaan daroogada.
Opium oo ah waxa ugu badan ee laga sameeyo daroogada heroin ayaa ah midka ugu caansan ee Iiraan laga adeegsado, iyadoo dadka isticmaala ay gaarayaan 67%.
Daroogada lagu sameeyo dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan ayaa sare u kacday sannadihii u dambeeyay.
Parviz Afshar oo u hadlay Ururka xakamaynta darooga ee DCO ayaa sheegay in marijuana iyo waxyaabaha laga hagaajiyo ay 12% ka yihiin darooga laga isticmaalo Iiraan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maadada methamphetamine ee lagu mirqaamo ayaa iyadana lagu qiyaasay 8% ka tahay daroogada laga isticmaalo Iiraan.
Saeed Safatian ayaa wakaaladda wararka ee IRNA u sheegay in laga yaabo in dadka darooga isticmaala ay xataa intaas ka sii badan yihiin.
- Mo Farah: "Aniga qalad ma sameynin"
- Haweenay maxkamad loo soo taagay in ay nin kufsatay
- Nairobi: Basaska waa la isku dhex baartaa
- Maraykanka oo cunaqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka Venezuela
- Ninkii weeraray askariga Faransiiska ah oo dhiigiisa laga helay daroogo iyo khamri
- Joaquin El Chapo oo Mareykanka loo dhoofiyay
Afghanistan ayaa soo saarta 90% opium-ka adduunka laga isticmaalo.
Iiraan ayaana inta badan marin u ah daroogada Afghanistan laga soo saaro ee loo wado qaaradda Yurub.
Waxsoosaarka daroogada ee Afghanistan ayaa sare u kacday ka dib markii Maraykanka iyo xulafadiisu ay ciidammo u direen dalkaas sannadkii 2001dii, iyagoo ujeedadoodu ahayd in ay xukunka ka tuuraan Taliban ayna meesha ka saaraan al-Qaacida.










