You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Itoobiya oo xabsiga ka siidaysay hoggaamiyihii mucaaradka
Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka siidaysay hoggaamiyihii mucaaradka dalkaas Merera Gudina oo xirnaa wax ka badan sanad.
Saraakiisha xabsiyada Itoobiya ayaa qoyska Mereru u sheegay in xabsiga laga siidaayay maanta oo arboxo ah, wuxuuna ku eedeysnaa in uu xiriir la leeyahay kooxo argagixiso ah.
Maalintii isniinta ayay dowladda Itoobiya shaacisay in ay xabsiga ka siidaynayso illaa 500 maxaabiis ah oo la tuhunsanaa.
Bishan horaanteedii ayay dowladda sidoo kale sheegtay in ay la laabanayso dacwadaha loo heysto qaar ka mid ah dadka mucaaradka ah ee xabsiyada ku jira, oo ay ka midyihiin siyaasiyiin hore loo xukumay.
Muddo labo sano ayaa waxaa Itoobiya ka socday mudaaharaadyo ay samaynayaan shacabka oo ka cabanayay arrimo badan, iyaga oo codsanayay isbadalo .
Itoobiya waligeed waa ay diidi jirtay in ay jiraan maxaabiis u xirxiran arrimo siyaasadeed.