You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qarax ka dhacay Itoobiya
Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in 13 qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday garnayl oo ka dhacay magaalada Jimma ee gobolka Oromia.
Weli ma cadda cidda weerarka qaadday.
5 maalmood oo mudaaharaad ah ayaa gobolka looga dhawaaqay, kaasoo looga soo hor jeedo canshuurta lagu kordhiyey ganacsiyada yaryar, iyo xirxiridda siyaasiyiinta mucaaradka.
Meelaha qaarkood wuu ka hirgalay mudaaaharaadka, ayadoo dukaamada la xiray, gaadiidkana uu joogsaday.
Qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegay in waxyeello loo gaystay.
Mudaharaadyo lagu dhintay oo ka dhacay gobollada Oromia iyo Amhara ayaa horseeday in la soo rogo sannadkii hore xaalad degdeg ah. Horraantii bishan ayaa la qaaday.