You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kumannaan qawmiyadda Rohingya ah "oo bil gudaheed lagu dilay"
Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa daabacday daraasada lagu sheegay in ku dhawaad 6700 oo ah Muslimiinta laga tirada badanyahaya ee Rohingya lagu dilay intii ay socdeen rabshadaha Myanmar.
Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha, saxafiyiinka iyo saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa horey u diiwaangaliyay tacadiyo naxdin leh oo ciidammada ammaanka Myanmar ay ka gaysteen gobolka Rakhine, taasi oo ay sheegeen qaxootiga soo gaaray Bangladesh.
Balse daraasadani waa macluumaadkii ugu horreeyay oo faafaahin ka bixinaya qiyaasta tirada dadka Rohingya ee lagu dilay rabshadaha Myanmar.
Tiradan ay hay'ddu sheegtay ayaana aad ooga badan mida rasmiga ah ee ay shaacisay dawladda Myanmar oo ah in ay colaadaha ku dhinteen 400 oo ruux.
Hay'addu waxay intaas ku dartay in dadka dhintay ay ka mid yihiin 730 carruur ah oo ay da'doodu ka hoosayso shan sano.
Rabshadaha Rohingya ayaa ka billawday weeraro ay qaadeen jabhadda Rohingya dabayaaqadii bishii Agoosto, waxa weeraradani ka dhashay howlgal ay Qaramada midoobay ku tilmaamtay isir sifeyn.
Hay'ada MSF ayaa 6 daraasad ka samaysay xerayaha qaxootiga bishii aan aan ka soo gudubnay.
Hay'adda ayaa ogaatay dad ku dhintay rabshadaha oo ay caruur ka mid yihiin islamarkana boqolkiiba 70 dadka dhintay ayaa ku dhintay rabshadaha.
Warbixinta imika la soo saaray ayaa miisaan u yeelaysa baaqyada loo jeedinayo xukumada Myanmar ee ku aadan in la baaro suurtagalnimada in la gaystay danbiyo ka dhan ah aadanaha.