You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dheyman lagu xaraashay $33.7 milyan oo dollar
Katiin dheyman ah oo ka kooban 163 dhibcood ayaa lagu xaraashay suuq ku yaalla Geneva, waxaana lagu iibiyay $33.7 milyan oo dollar. Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay katiinaddii ugu waynayd ee noocan ah.
Dheymankan oo aan midab lahayn waxaa laga sameeyay dhagxaan laga soo aruuriyay dalka Angola waxaana lagu iibinay guriga xaraashka ee Christie.
Waxay ka kooban tahay dahabka cad, dheyman iyo sumurud.
Katiinka waxaa sameeysay shirkadda de Grisogono oo hagaajisa dahabka iyo dheymanka, taas oo fadhigeedu yahay Switzerland. Waxay ku qaadatay 1,700 oo saacadood in ay sameeyso, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday guriga xaraashka ee Christie.
Waxaa la dhigay hoteelka Four Seasons ee Geneva ka dib markii loo bandhigay dadka ku nool Hong Kong, London, Dubai iyo New York.
Katiinka, oo loogu magacdaray farshaxanka de Grisogono, ayuu qiimeheedu dhaafay intii la saadaalinayay ee ah $30 milyan oo dollar. Qofka iibsaday magaciisa lama shaacin