You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Warqad uu Maxamed Cali u diray Mandela oo lagu iibiyay £7,200 oo pound
Warqad saxiixan oo feeryahankii geeriyooday Maxamed Cali uu u qoray madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa lagu iibiyay £7,200 oo pound.
Warqadda ayaa ahayd Tacsi uu Maxamed Cali u diray Mandela oo uu uga tacsiyeynaayay mid ka mid ah hogaamiyayaashii la dagaallnkii midab-kala sooca oo geeriyooday.
Warqadda waxaa la qoray 1993-dii. Waxaana lagu iibiyay si xaraash ah.
Ninka iibsaday warqadda, Andrew Aldridge, wuxuu yiri: "Waa sax in la dhoho Maxamed Cali wuxuu ahaa feeryahankii markastaa ugu wanaagsanaa caalamka. Nelson Mandela na wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa caalamka."
Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqadda waxay sheegeen inay filayeen in Mareykanka gudihiisa looga gato inta u dhexeysa £6,000 iyo £8,000 oo pound.
Warqadda waxaa qeyb ka ahayd sharaxaad ku saabsan sida ay ku dhacday in magaca Maxamed Cali uu qaldo caawiyihii qoray oo hadda ah qofka iibiyay.
Mr Aldridge wuxuu sheegay in Mandela uu sawir uu la galay Maxamed Cali uu saartay miiskiisa, sidoo kalena uu ku daray buugiisa.