You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jab soo gaaray xisbiga ANC ee dalka Koofur Afrika
Iyadoo la filayo in maanta ay soo baxaan natiijooyinkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka Koofur Afrka, ayaa waxaa caddaaday in xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC ay ku dhacday guul-darro baaxad leh.
Xisbiga waxuu illaa iyo hadda qirtay in looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay magaallada Port Elizabeth.
Waxaa magaaldaasi guulo ka soo hooyay xisbiga mucaraadka ee Democratic Alliance oo sidoo kale ku guulaystay magaalada Nelson Mandela Bay.
Xisbiga ANC wuxuu hadda isku dayayaa in uu xajisto magaalada Johannesburg iyo caasimadda, Pretoria.
Iyadoo ay sidaa tahay ayaa xisbiga ANC waxuu wali haystaa aqlibiyadda codbixinta guud ahaan dalka,taas oo wali ka dhigaysa in uu yahay xisbiga ugu awoodda badan siyaasadda dalka Koofur Afrika.