Trump oo shuruud ku xiray barnaamijka da'yarta muhaajiriinta ah

trump

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dhallinyaradii ka faa'iideysatay mashruuca muhaajiriinta da'yarta ahi ayaa usbuucii hore ku hor muddaharaaday dhismaha daarta Trump Tower ee New York.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa shuruud ku xiray in heshiis cusub laga gaaro arrinta da'yarta qaxootiga ah ee aan sharciga ku joogin dalkaasi.

Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in la raafo muhaajiriinta sharcidarrada ku jooga dalka iyo dhismaha gidaarka xudduudda u dhaxeyso Mareykanka iyo Mexico.

Madaxweyne Trump ayaa dalbanaya in dhaqaalo loo qoondeeyo dhismaha darbigaasi, musaafurinta muhaajiriinta sharcidarrada dalka ku jooga iyo in laanta socdaalka loo shaqaaleysiiyo saraakiil cusub oo kumannaan gaarayo.

Bishii la soo dhaafay ayuu Trump joojiyay barnaamij uu ka hore hirgeliyay Obama, kaa oo 690,000 oo qof oo ah muhaajiriinta iyaga oo carruur ah sharcidarro lagu keenay loogu ogolaanayay in ay dalka ka shaqeystaan ayna ku waxbartaan.

Xubnaha sarsare ee xisbiga dimuquraadiga ee ku jira baarlamaanka dalkaasi ayaa ku gacanseyray hindisahan ugu dambeeyay ee Trump, waxayna ku eedeeyeen Trump inuu ka noqday ballanqaad ahaa in wada xaajoodka arrintan aan lagu xirin dhismaha darbiga Mexico.

trump

Xigashada Sawirka, EPA

Muxuu Trump dalbanayaa?

Waxyaabaha uu Trump ka dalbanayo aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah;

  • Dhismaha darbi lagu kala xirayo xudduudda Mareykanka iyo Mexico.
  • In laanta socdaalka loo shaqaaleysiiyo 10,000 qof oo saraakiil cusub ah iyo sharci yaqaanno gaaraya 1000 qof.
  • In la shaqaaleysiiyo 370 garsooreyaal dhanka socdaalka ah iyo 300 oo dacwad oogeyaal heer federal ah.
  • In dadka qaxootinimada ku tagay Mareykanka laga mamnuuco in ay qaraabadooda keenaan dalka.
  • In la ganaaxo maamulka magaalooyinka diiday in la qabqabto oo la musaafuriyo muhaajiriinta sharcidarrada ku jooga Mareykanka.
  • In shirkadaha ay adeegsadaan qalab elektaroonig ah looga golleeyahay in muhaajiriinta sharcidarrada ku jooga dalka aysan helin wax shaqo ah.

Waraaq uu Trump u diray baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in arrimahan kor ku xusan ay tahay in marka hore la fuliyo, ka hor inta aan laga wadahadlin arrinta muhaajiriinta da'yarta ahi.

Trump ayaa bishii la soo dhaafay u sheegay aqalka Koongareeska in uu haysto muddo lix bilood ah oo ay tahay in uu ku ogolaado sharciyada cusub, si wax looga qabto arrinta muhaajiriinta da'yarta ahi.

trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay ahaayeen muhaajiriinta da'yarta ahi?

Muhaajiriinta da'yarta ahi ayaa ah dhallinyaro si sharcidarro ah lagu soo geliyay gudaha Mareykanka iyaga oo carruur ah, sidaa awgeedna hadda wajahaya musaafuris.

Xilligii madaxweyne Omaba, ayaa dhallinyaradani waxaa loo ogolaaday in ay dalban karaan ruqsad ay dalka uga shaqeystaan iyo mid waxbarasho balse dadka siyaasaddiisa dhaaliilsanaa ayaa ku doodayay in arrintaasi ay ka dhigan tahay in cafis loo fidiyay muhaajiriinta sharcidarrada ahi.

Tan iyo xilligi Obama uu arrintaasi ogolaaday sanadkii 2012, mashruucaasi waxaa ka faa'iideystay ku dhawaad 100,000 oo qof oo dhallinyaro ah, waxaana hadda soo haray 690,000 oo kale.

Xisbiga dimuquraadiga ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay shuruudaha cusub ee madaxweyne Trump uu ku xiray in mustaqbalka dhallinyaradani laga wada hadlo.