Haweenka Sacuudiga iyo barashada sida loo kaxeeyo gawaarida

Faisal BaDughaish iyo xaaskiisa

Xigashada Sawirka, @BADUGHAISH / TWITTER

Qoraalka sawirka, Faisal BaDughaish iyo xaaskiisa

Seddex todobaad ka dib markii uu boqorka Sacuudiga boqor Salman uu soo saaray Digreeto uu haweenka dalkaasi ugu ogolaanayo in ay Gawaarida kaxayn karaan ayaa waxa soo badanaya sheekooyiinka arrintaasi la xiriira.

Nin iska soo qaaday sawir isaga oo xaaskiisa baraya sida Gaariga loo kaxeeyo ayaa waxa ay arrintan barta bulshada ee Twitter-ka ka dhalisay dood kulul.

Faisal BaDughaish, oo ah khabiir dhanka Shidaalka ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo galiyay sawir isaga iyo xaaskiisa oo ku sugan goob uu Gaariga sida loo wado ku barayay .

Sawirka uu soo dhigay barta tweetar-ka ayuu ku yiri "Waxa aan bilaabay in aan xaaskeyda baro sida gaariga loo wado aniga oo isticmaalaya goob gaar ah oo gawarida la dhigto si sharci ah."

Hasa yeeshee jawaabaha laga bixiyay sawirkaasi oo kumanaan jeer la sii wadaagay ayaa muujinaysa sida wali loogu kala qaybsan yahay qaadida mamnuucida in Haweenka ay Gawaarida kaxeeyaan .

Qaar ka mid ah dadkii fikirkooda ka dhiibtay ayaa waxa ay Mr BaDughaish ku dhaliileen in uu sawir ka qaado wajiga xaaskiisa.

"Miyaadan waji gabax dareemayn markaad sawirkeeda soo dhigayso halkan?"ayuu yiri qof lagu magacaabo Bderr1991".

Balse Haween badan oo sawirkan fikirkooda ka dhiibtay ayaa soo dhaweeyay ,waxa ayna sheegeen in sidoo kale xubnaha qoyskooda ay ka sugayaan in ay baraan sida Gawaarida loo kaxeeyo.

Haweenay lagu magacaabo Amal Nadhreen ayaa tiri "Barito, wiilka aan dhalay ee Azzama ayaa i bari doona sida loo kaxeeyo Gawaarida."

Qaar ka mid ah raggii fikirka ka dhiibtay sawirka BaDughaish, sida Faisal Alshehri,ayaa sheegay in ay ku dhiirigalinayso in ay xaasaskooda baraan Gawaarida.

Mr BaDughaish oo la hadlay BBC laanta afka Carabiga ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa ay sugi la'yihiin waqtiga la bilaabayo dhaqangalinta Digreetadan haweenka loogu ogolaaday in ay gawaarida kaxeeyaan.