In kabadan 58 ruux oo lagu toogtay dalka Mareykanka

Boqolaal dad ah ayaa ka cararay goobtii uu bandhig faneedku ka socday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqolaal dad ah ayaa ka cararay goobtii uu bandhig faneedku ka socday

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhintay 400 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paddock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.

Booliska Las Vegas waxay sheegayaan in ay ogaadaan halka ay joogto haweeney la socotay ninka dadka laayay oo ay ku magacaabeen Marilou Danley, iyo laba gaari oo laga shakiyay.

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa "dhulka la dhigay" isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Qoraalka Muuqaalka, Muqaalkan ayaa muujinaya dad ka firxanaya huteelka Vegas

Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.

Lamaane ka gabanaya dhawaaqa rasaasta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lamaane ka gabanaya dhawaaqa rasaasta
Dad ka firxanaya goobta ay rasaastu ka dhacday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dad ka firxanaya goobta ay rasaastu ka dhacday
Booliis hubaysan oo ku sugan bannaanka huteelka Mandalay Bay ayaa la sawiray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Booliis hubaysan oo ku sugan bannaanka huteelka Mandalay Bay ayaa la sawiray