Saddex ruux oo lagu dilay iskuul ku yaalla Maraykanka
Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay in labo dhallinyaro ah iyo hal canug ay ku dhinteen weerar ka dhacay fasal ka mid ah dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Bernardino ee dalka Maraykanka.
Ninka looga shakiyay in uu weerarka geystay ayaa toogasho ku dilay xaaskiisii hore iyo macallin, wuxuuna sidoo kale dhaawacay laba caruur ah oo mid kamid ah uu u dhintay dhaawicii soo gaaray, iyadoo markii dambe ninkaasi uu is idilay.
Madaxa booliska ee deegaankaas Jarrod Burguan ayaa dhacdadani ku tilmaamay in ay tahay mid ay uga shakiyeen "isku day is dilid".
Masuuliiyiintu waxay intaa ku dareen in ninka weerarka soo qaaday oo 53 jir ah, laguna magacaabo Cedric Anderson uu gudaha u galay iskoolkaasi isagoo iska dhigaya qof marti ah, waxaana uu hoosta gashaday hubkii uu watay inta uusan weerarku ku qaadin 15 caruur ah oo halkaasi wax lagu barayay kuwaa oo ah carruur u baahan xannaanayn gaar ah.

Xigashada Sawirka, San Bernadino Police
Wargeyska The Los Angeles ayaa ku soo warramaya in ninka weeraraka fuliyaya uu halkaasi ku dilay xaskiisa Elaine Smith iyo wiil 8 sano jir ah oo lagu magacaabay Jonathan Martinez oo markii dambe cisbitaalka ku geeroyooday.
Ilaa iyo lix boqol oo arday ah ayaa lagu daad gureeyay bas , kuwaas oo la geeyay dugsiga sare ee Cajon High School oo halkaasi ka ag dhawaa, halkaa oo ay markii dambe kula kulmeen waalidkii dhalay caruurtaasi.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

- Xildhibaanaddii u horaysay ee Soomaali Maraykan ah oo loo hanjabay
- Aabo dhalay askari Maraykan ah oo dhintay oo diiday in uu la kulmo Trump
- Japan oo ka tacsiyeeyay 2,400 Maraykan ah oo uu horay u dilay
- Gaana 10 sano waxaa ka furnaa safaarad Maraykan oo been abuur ah
- Gabadh Soomaali ah oo asturan oo Tartan qurux Minnesota kaga qaybgashay
Ilaa iyoo bishii Desembar ee sannadkii 2015kii waxaa magaaladaasi San Bernardino lagu dilay 14 qof, halka 21 kalena lagu dhaawacay ka dib markii nin iyo xaskiisa ay weerareen xarun caafimaad.







