Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay dad ku dhinteen

Xigashada Sawirka, EPA
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor aan fogeyn ku qarxay meel u dhow Beerta Nabadda oo ay dad badan isugu tagaan maalin kasta, waxaynu wararku sheegayaan in halkaas uu ka dhashay qasaare naf iyo maalba leh.
Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay meel kaalin shidaal ah iyo maqaayad , halkaas oo ay ku dhinteen illaa 7 qof, toboneeyo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.
Magaalada Muqdisho ayaa ka nasatay qaraxyadii badnaa ee ka dhici jiray, waxaana taas loo tiiriyay hawlgalada amniga ee magaalada laga sameeyay bilihii lasoo dhaafay. hase yeeshee bishan Sabtembar ayaa waxaa dhacay dhacdooyin amni darro ah meelo kale duwan dalka oo ay caasimadda ka mid tahay sida aad ku arki kartaan xagga hoose.
Tirakoobka Dhacdooyinka
Weerarrada haddii aan mid mid u dul istaagno waxaa ugu horreeyey uguna geeri badnaa kii lagu qaaday xero ay ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Buulo Guduud ee ku duleedka Kismaayo 3dii bishan September, Ilaa 17 ka tirsan ciidanka maamulka ayaa la sheegay in Al shabaab halkaas ku dileen.
Isla bishaas 4dii weerar ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay 2 qof.
Waxaa ku xigay weerarro aad isugu dhowaa, sida kii dhacay 7 September oo 5 qof ay ku dhinteen meel lagu shaaheeyo magaalada Baydhabo, sidoo kale 9kii bishana Magaalada Baladweyne 5 kale ayaa ku dhimatay oo uu ka midyahay wariye Maxamed Macalin oo markii dambe dhaawac u dhintay, waxaana weerarka fuliyay qof isku soo rakibay waxyaabaha qarxa oo naftiisa miidaamiyay.
11kii Bishan Sabtember Alshabaab waxa ay weerar ku ekeysay magaalada Balad Xaawo ee xuduudda ku taalla, halkaas oo ay saacado la wareegeen gacan ku haynta, weerarka waxaa ku dhintay dad, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Isla 11-kii sabtembar weerar ka dhacay magaalada Balcad ee Shabeelada Dhexe ayaa waxaa lagu dilay 4 qof, iyo sidoo kale qof lagu dilay magaalada Muqdisho.
Tirakoobyadan waxa ay ku salaysanyihiin wararka ay warbaahinta faafisay, sheegashooyinka dhinacyada kala duwan iyo xogta goobjoogayaasha, waxaase suurtogal ah in meelaha qaar ay tirooyinka intaas ka duwanaan karaan.
Dowladda cusub ee sannadkan uun xilka la wareegtay waxaa lagu ammaanay in aywax badan ka qabatay amniga, gaar ahaan caasimadda, balse waxa ay u egtahay in markasta oo dowladda ay badasho kaartadeeda dagaalka, ay Alshabaabna badalayaan qorshayaashooda.











