Falastiin oo loo ogolaaday in ay xubin ka noqdaan Interpol

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'ada Booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa aqbashay in Falastiniyiinta ay xubin ka noqdaan ,iyada oo ay jirtay in Israa'iil ay si wayn uga soo horjeeday.
Booliiska caalamiga ah ayaa taageeray xubinimada falastiin ka dib kulan ay yeesheen golaha guud ee Interpol.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta Riyad al-Maliki oo shaaciyay warkan ayaa ku tilmaamay guul u soo hoyatay falastiiniyiinta in ay xubin ka noqdaan booliiska caalamiga ah ee Interpol.
Israa'iil ayaa isku dayday in ay dib u dhigto codaynta iyaga oo ku doodaya in Falastiiniiyiinta aysan ahayn dal islamarkana aysan u qalmin in ay Interpol xubin ka noqdaan.
Israa'iil ayaa sheegtay in qaabka kali ah ee Falastiiniyiinta ay ku gaari karaan hadafkooda ah dal madaxbanaan ay tahay wadaxaajood.
Madaxda Booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa waxa ay sheegeen in la ansixiyay codsiyadii xubinimada ee Falastiiniyiinta iyo Jasiirada Solomon .
Codayntii loo qaaday arrintan ayaa waxa 75 xubnood ay u codeeyeen "Haa",24 dal ayaa dhankooda u codeeyay "Maya", halka 34 xunood ay ka aamuseen.
Wasiirka arrimaha dibadda Falastiiniyiinta Riyad al-Maliki ayaa balanqaaday in ay gudan doonaan waajibaadkooda kaga aadan la dagaalamka danbiyada.
Wasiir ku xigeenka Israa'iil u qaabilsan arrimaha Dublamaasiyada,Michael Oren,ayaa canbaareeyay codaynta Falastiin loogu ogolaaday in ay xubin ka noqdaan Booliiska caalamiga ah ee Interpol.










