Golaha wasiirada Soomaaliya oo ka shiray Khilaafka Khaliijka

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisoow oo akhriyay go'aanka wasiirada
Qoraalka sawirka, Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa akhriyay go'aanka wasiirada

Shirkii golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markale hoosta looga xariiqay go'aankii dhexdhexaadnimada ee Soomaaliya ee la xiriiray muranka waddama khaliijka , waxayna talaabadan qaaday dowladda xili inta badan maamul goboleedyada Soomaaliya ay la safteen Imaaraatka iyo Sucuudiga, sheegeena in ay xiriirka u jareen dalka Qatar.

War qoraal ah oo laga soo saaray shirka ayaa lagu soo xigtay qodob ka mid ah dastuurka oo dowladda dhexe awood buuxda u siinaya go'aan ka gaarista arrimaha dibedda, sidan ayuuna u qornaa.

1.Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go'aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

Maamulka goboleedka Galmudug ayaa ugu dambeeyay oo shalay war qoraal ah ku sheegay in ay kasoo horjeedaan go'aankii dowladda ee dhexdhexaadnimada ah, waxaana lagu sheegay in ay la safanyihiin dalalka Imaaraatka iyo Sucuudiga oo uu maamulka ku tilmaamay dalal walaalo la ah Soomaaliya, muddo badana soo garab istaagay.

Somaliland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey iyaguna u qaatay moowqif kaas la mid ah.

Golaha wasiirada ayaa dadka xusuusiyay in wada shaqayn wanaagsan kala dhaxayso maamul goboleedyada, islamarkaasna lixdii bilood ee lasoo dhaafay la qabtay labo shir oo maamul goboleedyada kasoo qaybgaleen.

Bishii June ee sanadkan ayay dalal dhawr ah oo u badan kuwa gacanka Carabta waxa ay xiriirka dublamaasiyadeed u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leedahay kooxaha argagixisada, islamarkaasina qalqal galisay amnigooda.

Dowladahan ayaa la sheegay in kuwa kale ee ay saaxiibada yihiin ka codsadeen in iyaguna xiriirka u jaraan Qatar, balse dowladda Soomaaliya ayaa ka qaadatay go'aan dhexdhexaad ah, kuna baaqday in wadahadal lagu dhameeyo muranka.

Qoraalka Codka, Magaalada uu shirku ka dhacayo ee Manama