Lix qof oo daadad ay ku dileen Talyaaniga

Xigashada Sawirka, VIGILI DEL FUOCO
Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay kaddib roob dabeylo xoooggan wata oo daad ku fatahiyay magaalada Livorno ee dalka Talyaaniga.
Afar ka tirsan hal qoys ayaa ku dhintay daadadka. Wargeyska dalkaasi ka soo baxa Il Tirreno ayaa sheegay in labo waalid iyo wiilkooda ay sidoo kale dhinteen.
Sawirro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya qaybo badan oo ay biyo fadhiyaan burbur xoogganna uu soo gaaray.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah dadka deegaanka, Piero Caturelli, ayaa sheegay inuusan weligii arkin cimilada noocan ah.
Uqa magaalada Filippo Nogarin ayaa sheegay in heerka daadka uu yahay mid aan la filaneyn.
Magaalada caasimadda ah ee Rome, ayaa waxaa ka socda ka hortag ballaaran.






