You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Argagaxa ka dhasho raadinta nolol wanaagsan
Seddax sawir ayuu Yaya Sangare haystay kuwaas oo uu isku xasuusiyo qoyska uu mar haysan jiray.
Waxay ahayd sagaal bilood ka hor, markii xaaskiisa iyo wiilashiisa ay ku dhinteen xeebaha Libya.
"Gacmeheyga ayaan ku hayay wiilkeygii yaraa, Kami, markii uu dhimanayay," ayuu si deggan u dhahay, xilli uu eegayay album yar oo ay ku jiraan sawirada uu ku qaaday mobile-kiisa.
Xaaskiisa Seri Dejezi iyo labada wiil oo midna uu jiray 12 Eli, iyo 14 jir Elise, ayaa dhintay markii doontii ay saarnaayeen ay ku degtay badda Mediterranean.
"Wiilashan waan jeclahay," ayuu yiri 38 sano jirkan Yaya Sangare, xilli uu daawanayay sawiradooda.
Hadda Yaya iyo gabdhiisa oo afar sano jir ah Deborah ayaa gaaray Yurub.
Waxay ku ciyaartaa gacmaha aabeheed ayadoo dooneysa mararka qaar in uu dhankeeda eego.
Deborah waxay saarnayd doonta degtay habeenkii nasiib xumada, balse nasiib wanaag ayada iyo aabeheed way badbaadeen. Wuxuu yiri "kama hadleyno arrintaas".
"Maalin un waan u sheegi doonaa wixii dhacay. Mararka qaar way xasuusataa. laakiin maalin ayaan la fadhiisan doonaa oo aan uga sheekeyndoonaa arrintaas, hadda ma ahan. Aad bay u adag tahay".
Yaya wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Ivory Coast, wuxuuna ka soo tagay dagaalkii sokeeye ee 2002-dii. Saxaraha ayuu maray, wuxuuna u tallaabay Mali, ka dibna Algeria.
Wuxuu ku guursaday xerada qaxootiga halkaas oo qoyskiisa yar ay deganaayeen ka hor inta aysan Libya u tahriibin, halkaas oo seddax bilood ay ku noolaayeen.
Sikastaba, Yaya wuxuu doonayay in uu Yurub dhanka badda ka soo galo.
Laakiin wadadaasi waa mid dhib badan, sanadkan oo keli ah illaa 2,000 oo qof ayaa ku dhimatay Mediterranean.
Yaya wuxuu sheegayaa in uu ogaa in halis uu marayo si Yurub uu u gaaro.
"Nolol ayaan raadineynay, sababtoo ah Libya waa meel dhib badan, ujeedadeena waxay ahayd nolol wanaagsan inaan ka helno Yurub" ayuu yiri Yaya.