You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
EU oo qabaa'ilka Libya kala heshiisay tahriibka
Hogaamiyeyaasha midowga Yurub ayaa ansixiyey talaabooyin lala gaaray Libya, kuwaasoo lagu xakamaynayo qulqulka muhaajiriinta ka gudbaya badda Mediterranean ee Yurub galaya.
Ra'iisul wasaaraha Malta Joseph Muscat - oo marti galinaya shir-madaxeedka midowga Yurub - ayaa sheegay in heshiis lala gaaray qabaa'ilka reer guuraaga ah ee koofurta Libya, kuwaasoo ilaa 6 Malyan oo Doollar todobaad walba ka helayey qolyaha dadka tahriibiya.
Wax faahfaahin ah ma uusan bixin, laakin khubaro joogta Libya ayaa sheegaya in la iibsaday iskaashiga qabaa'ilka. Afhayeen u hadlay hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay, Leonard Doyle, ayaa soo dhoweeyey tallaabooyinkaas.