You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017
Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka.
Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival.
Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigaa qoob ka cayaar, waxayna dadka cunnada jecel dhadhamiyaan Jollof.
Murashaxa MPLA waxa aad loogu saadaaliyey inuu noqonayo madaxweynaha xiga ee Angola, ka dib markiiuu Jose Eduardo dos Santos go'aansaday inuu xukunka ka dego, 38 sano oo uu dalkaas xukumayey ka dib. '
Maalintii xigtay ayaa taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka waxay la yimaadeen diiq madow oo astaan u ah xisbigooda UNITA.
Mucaaradku waxay boolisku ku eedeeyeen inay adeegsadeen awood xad dhaaf ah mar ay kala eryayeen dad mudaaharaadayey. Boolisku arrintaas waa beeniyey.
Madaxweyne Muhammadu Buhari oo 74 jir ah 3 bilood ayuu safar caafimaad ugu maqnaa Britain.
Dadka mudaaharaadayey ayaa ka cabanayey dilka 18qof oo qof jihaad doon ah uu ku dilay makhaayad laga cuno cunnada Turkiga.
Sawirkan waxaa la qaaday August 15, 2017, waxaana ka muuqda carruur ku dheelaysa biyaha wabiga Chari ee magaalada N"Djamena, oo xarun u ah Chad. Waa meel aan ka fogayn xuduudda Kaameruun.
Ilmaha inta uu yar yahay ayey masaaridu dabaasha baraan.
Xuquuqda sawirrada waxaa leh AFP, EPA, Getty Images iyo Reuters