You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Heesaha calanka Pakistan iyo Hindiya oo aad la isula wadaagay
Dawladda Pakistan ayaa u dabaaldagaysa 70 guuradii ka soo wareegtay markii ay xoriyadda qaadatay oo ahayd 14 August, iyadoo Hindiyana ay hal maalin ka sii dambaysay.
Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir aan daganayn oo salka ku haya dhulka ay ku muransan yihiin ee Kashmir, arrintaas ayaana sababtay labo dagaal oo dhexmaray.
Hadda hees cusub oo la qaaday ayaa la filayaa in ay dulqaadka dhiirigaliso - heestan ayaana ah labada heesood ee calanka oo la mataaneeyay.
"Heesta calanka ee nabadda" loo bixiyay ayay ka soo muuqdeen fannaaniin reer Pakistan ah iyo kuwo reer Hindiya ah.
Kooxda nabadda taageersan ee Facebook isticmaasha ee loo yaqaanno Voice of Ram ayaa heestan soo galiyay online-ka, dadka baraha bulshada isticmaala ee labada dal ayaana aad u ammaanay heesta iyo aragtida ka dambaysa.
Muuqaalkan ayaa ka billaabanaya ereyada "markaan fanka u furno xadkeenna, nabadda ayaa wehelindoonta."