You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maamulka New Delhi oo u digay shirkadaha tubaakada soo saara
Maamulka magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya, ayaa ku amray shirkadaha tubaakada inay ka saaran dhammaan xayeysiisyada ay ku dhejiyeen dukaamada lagu gado sigaarka ee magaalada ku yaalla.
Wuxuu maamulku uga digay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono haddii aysan amarkan u hoggaansamin.
Amarkan ayaa daba socda warar sheegaya in shirkaduhu ay si xooggan ugu xayeysiinayaan sigaarka dukaamada tubaakada lagu iibiyo ayna tijaabo ahaan u qeybinayaan sigaar bilaash ah.
Afhayeen dowladda u hadlay ayaa BBC u sheegay in shirkadaha tubaakada ay sii wateen xayeysiintooda sigaarka iyadoo ay jiraan digniinno loo jeedinayay, taasina ay lid ku tahay sharciga.
Shirkadaha tubaakada ayaa iyagu dafiray inay amarradaasi dacal mareen.