You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sacuudiga oo baaraya muuqaal ku saabsan gabar kaako gaaban xiratay
Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa baaraysa gabadh soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo ay bannaantahay cawradeedu.
Gabadhu markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn.
Gabadhan oo lagu magacaabo "Khulood" oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay muuqaalkan oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir.
Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xiro maadaama oo ay jabisay shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaas Muslimka ah.
Qaar kale oo ka mid ah dadka Sacuudiga ayaa ammaanay "geesinimada" gabadha.