Sacuudiga oo baaraya muuqaal ku saabsan gabar kaako gaaban xiratay

Muuqaalka "Khulood" waxaa markii hore la soo galiyay Snapchat

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Muuqaalka "Khulood" waxaa markii hore la soo galiyay Snapchat

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa baaraysa gabadh soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo ay bannaantahay cawradeedu.

Gabadhu markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn.

Gabadhan oo lagu magacaabo "Khulood" oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay muuqaalkan oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir.

Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xiro maadaama oo ay jabisay shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaas Muslimka ah.

Qaar kale oo ka mid ah dadka Sacuudiga ayaa ammaanay "geesinimada" gabadha.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan