You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne ku xigeenka Angola oo dacwad musuq ku wajihidoona Boortaqiiska
Maxkamad ku taalla dalka Boortaqiiska ayaa go'aamisay in uu maxkamadda hor yimaaddo madaxweyne ku xigeenka Angola Manuel Vicente isaga oo loo haysto eedaymo laaluush, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbaahinta Boortaqiiska.
Waxaa lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu laaluusho garsooreyaal si ay u joojiyaan baaritaan musuqmaasuq oo isaga ka dhan ahaa.
Laaluushk ayaa lagu eedeeyay in uu siiyay Orlando Figueira oo ah dacwad ooge hore oo isna wajahaya dacwaddo.
Vicente wuu beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay.
Vicente ayaa horay madax uga soo noqday shirkadda shidaalka ee dawladda ee Sonangol intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2012, jagadaas ayaa ah mid saamayn badan waxaana hadda haysa Isabel Dos Santos oo ah gabadha madaxweynaha.
Tan iyo wixii ka horeeyay fadeexaddan musuqmaasuqa ee soo baxday sannadkii, waxaa si wayn loogu arkayay nin badali kara madaxweyne Jose Eduardo dos Santos, oo Angola soo xukumay tan iyo sannadkii 1979.
Baaritaan musuqmaasuq oo hadda ka hor lagu sameeyay ayaa la joojiyay 2012, baaritaankaasina wuxuu ku wajahnaa lacag uu Vincente ku gatay guri qaali ah oo ku yaala magaalada Lisbon, sida ay warbaahinta dalkaasi ku warrantay.