You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Britain oo maanta doorasho loo dareerayo
Dalka Britain maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud kaddib markii la soo gabagabeeyay ololaha doorashada oo ay hareeyeen weeradadii dalkaasi ka dhacay dhawaan.
Doorashadan ayaa ah mid wakhtigeeda lagas oo hormariyay oo ay ku baaqday ra'iisalwasaare Theresa May.
Doorashadan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo ka badan labo sano gudahood.
Booliska dalkaasi ayaa sheegaya in ay adkeynayaan ammaan goobaha codbixinta.
Ciidamo hubeysan ayaa la geynayaa goobaha qaar, waxaana arrintaasi loo aaneynayaa weeraradii dhawaan dalkaasi ka dhacay.
Natiijada ugu horreysa ee codbixinta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka hor 12-ka caawa sakhdi dhexe.