FBI oo mar kale shaacisay sawirradii 9/11 ee Pentagon

Xigashada Sawirka, FBI
Sawirro la qaaday ka dib weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka 11 September 2001 ayaa dib uga soo muuqday barta FBI-da, 6 sano ka dib markii ugu horreeysay ee la shaaciyey.
Sawirrada oo 27 ka kooban ayaa muujinaya shaqaale dab bakhtiinaya, iyo kooxaha samata bixinta iyo baareyaal baadigoob ka wada burburka.
Duullimaadkii American Airlines 77 ee ka soo duulay Virginia una socday LA ayaa dhismaha ku dhacay 09:37 subaxnimo.
Maamulayaasha Maraykanka waxay sheegeen in dayaaraddu ku dhacday dabaqa 1aad iyo kan 2aad ee Pentagon, oo ay dishay 184 qof.
Jillian Stickels oo ah afhayeenad u hadashay FBI waxay sheegtay in sawirrada markii hore la shaaciyey 2011.
waxay intaa ku dartay in cillad farsamo ay keentay in internetka laga waayo muddo aan la cayimin.
"Markii la ogaaday inaysan ku jirin dib ayaa loo soo galiyey mar kale si ay dadku u arkaan" ayey tiri.
Jawaab degdeg ah

Xigashada Sawirka, FBI

Xigashada Sawirka, FBI
Burburka dibadda

Xigashada Sawirka, FBI

Xigashada Sawirka, FBI
Burbur dayaaradeed

Xigashada Sawirka, FBI

Xigashada Sawirka, FBI

Xigashada Sawirka, FBI
Baarayaasha

Xigashada Sawirka, FBI

Xigashada Sawirka, FBI






