Xannuunada ka dhashay abaaraha oo "sii faafaya"

Wiil yar oo macaluul ay ku hayso qeybo ka mid ah Puntland
Qoraalka sawirka, Macaluul ayaa laga digayaa inay Soomaaliya ka dillaacdo

Waxaa sare u kacay tirada dadka uu soo ritay xannuunka shuban biyoodka oo ka dillaacay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qaar ka mid ah saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka uu ku dhacay xannuunada ka dhashay abaaraha tiradooda ay sare u sii keceyso.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool iyo Gedo, oo lagu warramayo in qiyaastii 600 oo qof oo qaba xannuunno kala duwan oo abaaraha ka dhashay la seexiyay xarumo caafimaad.

Waxay u muuqataa in xaaladda abaarta ay sii xumaaneyso ayadoo qeybo ka mid ah deegaanada Soomaaliya laga billaabay in loo gurmado dadka ay gaajadu hayso.

Boqollaal qoys oo xoolaha ay ka dhammaadeen ayaa qaxay
Qoraalka sawirka, Boqollaal qoys oo xoolaha ay ka dhammaadeen ayaa qaxay

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay sheegay in 110 qof ay 48 saacadood gudahood ku dhinteen Soomaaliya.

Sida uu ra'iisul wasaaraha sheegay, dadkaasi waxay u dhinteen dhibaatooyiin ka dhashay abaaraha.

Dadka ugu badan waxaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen gobolka Bay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraalka Muuqaalka, Abaarta hadda jirto oo laga baqayo inay xaalad xun isu badasho

Hase yeeshee, saameynta ugu weyn ee abaarta ay yeelatay si rasmi ah looma garanayo.

Hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha Soomaaliya ka howlgala waxay ka digayaan macaluul la mid ah middii 2011-kii.

Qoraalka Muuqaalka, DAAWO: Saameynta abaarta ay ku yeelatay Soomaalida Itoobiya

Waxay sheegeen in qiyaastii seddax milyan oo qof ay ku nool yihiin cunto la'aan daran.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaantan shaaciyay inay musiibo qaran jirto, wuxuuna ku baaqay gurmad degdeg ah.

Macaluushii 2011-kii waxaa la sheegay inay u dhinteen 260 kun oo qof. Middii ka sii horeysay ee 1992-dii waxaa u dhintay 220 kun oo qof, sida ay hay'adaha Qaramada Midoobeey sheegeen.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Saaemyta ay abaaraha ku yeesheen xoolo dhaqatada