Abaarta hadda taagan mala mid noqon kartaa tii 2011-kii?

Qoraalka Muuqaalka, Abaarta hadda jirto oo laga baqayo inay xaalad xun isu badasho
    • Author, Maxamud Cali
    • Role, BBC Somali

Somaaliya waxa haatan laga soo sheegayaa xaalad abaar oo ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba.

Hay'adda gargaarka ayaa waxa ay ku qiyaasayaan, in ka badan seddax milyan oo qof ay u baahanyihiin cunno gargaar ah.

Abaarta ayaa sababtay in dadka ay barakacayaal ay noqdaan
Qoraalka sawirka, Abaarta ayaa sababtay in dadka ay barakacayaal ay noqdaan

Meelaha ugu daran waxa ka mid ah degaanada Puntland, koonfur galbeed iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa xaald taa la mid ah laga soo sheegayaa degaanada Soomaaliland.

Haddaba, xaalad tan ka sii daran ayey Soomaaliya soo martay 2011-kii, xilligaas oo kumannaan kun oo soomali ah, oo u badnaa xoola dhaqto ay ka soo talaabeen xuduuda u dhaxeysa Soomaliya iyo Kenya iyagoo doonayey in ay helaan gargaar.

Xaaladda abaarta ayaa ku socoto macluul

Xigashada Sawirka, Roderick MaCleod

Qoraalka sawirka, Xaaladda abaarta ayaa ku socoto macluul

Dadkaasi intooda badan waxay soo gaareen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada ugu wayn ee qaxootiga uu ku nool yahay dunida.

Hay'adaha gargaarka ayaa wakhtigaas waxay ku dhawaaqeen in Soomaliya gashay xaalad macluul tii ugu darnayd waxayna sheegeen in macluusha ay ku naf waayeen in ka badan 250 kun oo qof oo soomali ah.

Qoraalka Codka, Wareysi: Madaxweynaha Puntland saamayta abaaraha

Intooda badan dadkaasi waxay ahayeen caruur ay da'doodu ka hooseysay shan sano.

Tiradaasi dhimashada waxa la sheegay inay ka sareysay tiradii dhimashada ee la diiwaan geliyey macaluushii Soomaaliya ka dhacaday horaantii sagaashameeyaddii wakhtigaas oo dagaalkii sokeeye ee soomaaliya uu ahaa mid bilaw ahaa.

Dumar iyo caruur ayaa u badan barakacayaasha
Qoraalka sawirka, Dumar iyo caruur ayaa u badan barakacayaasha

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in sababaha badisay tirada dadkii u dhintay ee macluushii 2011 ay ka mid ahayd, kooxda shabaab oo meelo badan oo ay ka talinaysay ka hor istaagtay in hay'adaha ay gargaar gaarsiiyaan dadkii dhibaataysnaa.

Qoraalka Codka, Abaarta ku dhuftay gobolka Mudug

Haddaba su'aalo badan ayaa haatan la isweydiiyaa, oo ay ka mid tahay, ma laga yaabaa in xaaladda haatan taagan ay isku rogtay mid la mid ah ama ka daran xaaladdii la soo maray lix sanno ka hor?

Caalamka iyo hay'adaha gargaarka diyar ma u yihiin in xaaladda haddan taagan wax laga qabto?

Xaaladda abaarta ma gaartay heer aannan waxba laga qaban kerin?

Xoolo badan ayay abaarta baabi'isay
Qoraalka sawirka, Xoolo badan ayay abaarta baabi'isay

Dowladda Britain ayaa Bisha May ee sanadkan waxay qaban qaabineysaa shir caalami ah oo lagu eegi doono xaaladda Soomaaliya.

Nicholas Kay oo mar ahaa ergayga gaarka ah ee Xoghayihii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaliya ayaa wuxuu ka digayaa in xaaladda ay ka sii dari doonto haddii aanan wax laga qabanin inta u dhaxeysa haddan ilaa bisha May.

Qoraalka Codka, Gabay ku saabsan abaaraha oo ay tirisay abwaanad Koos Jamac Dhunkaal