You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bandhigga Filimada Afrika
Bandhigga filimada ee ugu weyn Afrika ayaa ka furmay Burkina Faso, ayadoo amnigana aad loo adkeeyey ka dib markii weerar lagu dhintay uu caasimadda dalkaas ka dhacay sannadkii hore.
In ka badan 100,000 oo qof ayaa la filayaa inay ka qayb galaan bandhiggaas oo marka la soo gaabiyo loo yaqaanno FESPACO, kaasoo labadii sano mar la qabto.
33 qof ayaa bishii Janaayo 2016 ku dhintay weerar lagu qaaday Hotel iyo makhaayad ku yaalla magaalada Ouagadougou.
Al qaacidada Maqrib ayaa sheegtay inay weerarka qaadeen.