You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Siyaasiyiin u sheegay Trump inuu hadalka badan joojiyo
Siyaasiyiin dhowr ah oo hormuud ka ah Xisbiga Jamhuuriga ayaa si caro leh uga hal celiyey hadallada soo noqnoqday ee madaxwyne Donald Trump.
Trump ayaa ku celiyay in ay Hillary Clinton isaga ka badsatay tirada codadka madax tiriska ah ee laga dhiibtay doorashadii, taas oo uu ku sheegay in sababtu ahayd in saddex milyan oo qof si sharci darro ah ku codeeyeen.
Senotor Lindsey Graham, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in hadallada Trump yihiin kuwo aan ku haboonayn in madaxweyne sheego isagoon wax caddayn ah haynin.
Gudoomiyaha aqalka wakiillada, Paul Ryan, ayaa isna sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in Trump uu meel iska dhigo eedaymaha aan caddaynta loo haynin.
Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa iyaguna sidoo kale dhaliilay hadalladan Madaxweyne Trump sheegay.
Hogaamiyaha xubnaha xisbiga ugu jira aqalka Senate-ka, Chuck Schumer, ayaa yidhi "Donald Trump waa inuu xil iska saaraa jagada cusub ee loo dhiibay oo uu hadal tiradan iska daayaa2.
Hadalkan haatan ka soo yeeray Madaxweyne Trump wuxu daba socdaa kuwo uu hore u sheegay intii aan xilka madaxweynenimo loo dhaarin.
Wuxuu marar badan ku andacooday in uu isagu helay wadarta codadkii dadka Maraykanku dhiibteen.
Hadallada uu boggiisa Twitter-ka ku qoray waxa ka mid ahaa inuu yidhi "marka meesha laga saaro codadka malaayiinta qof ee sida sharci darrada ah u codaysay, anigaa ku guulaysta tirada guud ee codadkii saxda ahaa ee dadku dhiibteen".