You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo midnimo ku baaqay
Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la midoobo isaga oo khudbad ka jeedinaya munaasabadda ciidda Maraykanka ee Thanksgiving.
Wuxuu sheegay in dareenkii ol'olaha doorashadu uu wali cayriin yahay, laakiin wuxuu intaas ku daray in dareekii dhashay aan hal habeen lagu dawayn karin.
Wuxuu intaas ku daray in ay hortaallo fursad ay magaalada Washington taariikh uga samayn karaan iyaga oo wada jira, isla markaasna ammaan dhab ah ay uga abuuri karaan magaalooyinka dalka, horumarna la gaarsiin karo bulshada.
Goor sii horaysay wuxuu ku dhawaaqay magacaabidda labo haween ah oo door muhiim ah ka ciyaaray ol'olihiisii doorashada madaxwaynenimada.
Arbacadii Trump wuxuu ku dhawaaqay danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay isaga oo jagadaas siiyay Nikki Haley oo ah gafarnatooraha gobolka South Carolina, halka Betsy DeVos uu u magacaabay wasiirka waxbarashada.