You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan
Shiinaha ayaa u digay Donald Trump in haddii uu isku dayo inuu wax ka badalo siyaasada "Hal Shiino" inay jirto inay saamayn ku yeelan karto nabada gacanka Taiwan.
Faragalinta ayaa sidoo kale wax u dhimi karta xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha in la hormariyo, ayuu sheegay afhayeen.
Siyaasada "Hal Shiino" ayaa Maraykanka uu la leeyahay xiriir rasmi ah Shiinaha, laakiin lama laha Taiwan, oo Shiinaha uu u arko gobol iskii u goostay.
Laakiin, madaxweynaha Maraykanka ee la doortay ee Donald Trump, ayaa sheegay inuu shaki ka qabo sii wadida siyaasadan.
Mr Trump ayaa ka xanaajiyay Shiinaha markuu teleefoon kula hadlay madaxweynaha Taiwan,Tsai Ing-wen kadibna tweet-gareeyay.
Laakiin Fengshan, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasada Shiinaha ee arrimaha Taiwan, ayaa maanta ka digay saamaynta ay ku yeelan karto nabada gacanka Taiwan.