Kyrgyzstan: Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday guryo

Xigashada Sawirka, Radio Free Europe/Radio Liberty
Diyaarad xamuul oo Turkiga laga leeyahay oo ka soo duushay Hong Kong ayaa ku dhacday Kyrgyzstan, iyadoo dishay 37 qof, oo intooda badan ay joogeen dhulka, ayay sheegeen masuuliyiinta.
Diyaaradda Boeing 747 TC-MCL, oo ay leedahay ACT Airlines ayaa soo dhacday iyadoo dagayso mar ay ceeryaamo ka jirtay garoonka Manas, oo 25km waqooyi ka ah magaalo madaxda, Bishkek.
Ugu yaraan 15 guryo ayaa ku burburay tuulo garoonka banaankiisa, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan ilmo.
Duulimaadka TK6491 ayaa sii marayay garoonka Manas, isagoo u socda Istanbul, Turkey.
ACT ayaa ah shirkad diyaarad oo saldhigeedu yahay Istanbul. Diyaaradda ayaa la aaminsan yahay inay shaqaynaysay 14 sano.
Ra'iisalwasaare ku xigeenka Muhammetkaly Abulgaziev, telefishinka ka sheegay : " Sida ay sheegayaan warbixinada ugu horeeya oo la hayo, diyaaradda ayaa dhacday kadib qalad uu sameeyay duuliyaha."

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, AP

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Radio Free Europe/Radio Liberty

Xigashada Sawirka, AFP







