You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo xirxiray 118 ruux oo hor leh
Booliiska dalka Turkiga ayaa xirxiray 118 masuul oo ka tirsan xisbiga HDP, iyaga oo lagu eedeeyay in ay calaaqaad la leeyihiin malayshiyada Kurdiyiinta ah, sida ay ku warantay warbaahinta dawladdu.
Waxaa loo qaqabtay shaki la xiriira in ay ka mid yihiin ururuka PKK ee la mamnuucay, sida ay wararku sheegayaan.
Xirxiritaankan ayaa yimid labo maalmood ka dib markii ay labo qarax ka dhaceen meel u dhaw garoon ku yaalla magaalada Istanbul kaas oo ay ku dhinteen 44 ruux.
Dhanka kalana dalka Austria ayaa ku baaqday in gabi ahaanba meesha laga saaro wadahadalka Turkiga ee ku aadan ka mid noqoshada Midawga Yurub.