You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo PKK ku eedeeyay qarixii 38-da ku dilay Istanbul
Maamulka dalka Turkiga wuxuu sheegayaa in weerarkii 38 qof lagu dilay ay ka dambeeyaan kurdiyiinta PKK.
Qaraxa ayaa lala eegtay askar ku sugnaa duleedka garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla Istanbul.
Madaxweynah, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in dalkiisa uu ka adkaan doono "argagixisada".
Wuxuu sheegay in ay weeraro qaraxyo ah la eegtaan dalkiisa.
Balse weriyaha BBC-da ee Istanbul wuxuu sheegayaa in dad badan ay hadalka madaxweynaha u arkaan mid aan waxba soo kordhineyn.
Taasi ayaa sabab looga dhigayaa in qaraxyada dalkaasi ay halkoodii ka sii socdaan.
Dalka Turkiga ayaa maanta ay u tahay maalin tacsi. Waxaana la billaabay aaska dadkii qaraxa ku dhintay.